Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyay dadka ku nool deegaanka Tasjiic inay la macaamilaan Daacish, iyagoo sheegay in dowladdu ku qasban tahay inay qaaddo tallaabo looga hortagayo in ururkan uu helo sahay uu ku sii shaqeeyo.
Go’aankan ayaa cabsi iyo walaac xooggan ka dhaliyay odayaasha iyo nabadoonnada ka soo jeeda tuulooyinka lagu amray inay ka guuraan dhulkooda, kuwaas oo sheegay in dadka deegaanka ay ku jiraan xaalad abaareed oo culus isla markaana aysan haysan awood ay kaga guuraan dhulkooda.
Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Xarago, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu doonayo in dadka degaanadooda laga barakiciyo si dhulka loogu wareejiyo Imaaraadka, oo uu sheegay inay doonayaan inay halkaas ka qotaan macdan. Wuxuu sheegay in bulshada deegaanka aysan awood u lahayn barakac cusub, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn Daacish.
Nabadoonku wuxuu ugu baaqay dowladda inay ciidamo geyso tuulooyinka si loo soo qabto cid kasta oo Daacish u shaqaysa, halkii shacabka laga barakicin lahaa dhulkooda.











