Guddigu waxa uu si gaar ah diiradda u saaray baahida loo qabo diyaarinta miisaaniyad dhaqaale oo rasmi ah, taasoo ay sheegeen in. lagu hirgelin karo dhammaan heerarka doorashooyinka dalka. Waxay sheegeen maalgelinta doorashada in ay tahay arrin lagama maarmaan u ah hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.
Sidoo kale. guddiga doorashada ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, daneeyayaasha siyaasadeed iyo beesha caalamka in ay kaalmo muuqata ka geystaan dhinaca dhaqaalaha, si doorashooyinka dalka aysan dib u dhac ugu imaan sababo la xiriira agab la’aan iyo maalgelinta oo yar.
Guddigu waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in beesha caalamku ay si buuxda uga qaybqaataan kormeerka iyo taageerada dhaqaale ee howlaha doorashada si loo xaqiijiyo hufnaan iyo daahfurnaan.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo muddo xileedkiisa ay uga harsan tahay muddo dhowr bilood ah ayaa dowladdiisu isku dayaysaa inay noqoto dowladdii ugu horraysay oo 60 sano kaddib dalka ka qabata doorasho qof iyo cod oo heer degaan ah, inkastoo Puntland oo qeyb ka ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay horey u qabteen doorashooyinkan.











