Eritrea oo si adag ugu jawaabtay Dalka Itoobiya

2

Itoobiya “waxay dagaal u iclaamineysaa” Eritrea kaasoo ku aaddan fekradda helidda bad, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Yemane G/Masqal.

Wuxuu dowladda Abiy Axmed ku eedeeyay inay sharraxayso sababo ku filan inay u heystaan inay dagaal kula galaan Eritrea, sida uu ku qoray bartiisa X.

“Waxay aflagaaddo ku tahay madax-bannaanida Eritrea in si joogto ah loogu dhawaaqo ‘waa inaan xoogag militari ka sameynaa Badda Cas ‘ si xoog ah,” ayuu bartiisa X ku qoray Yemane G/Masqal.

Wuxuu sidoo kale Itoobiya ku eedeeyay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ka shaqeyneysay sidii ay isaga dhigi lahayd “mid ku taagan is difaacid” si ay dagaal ugu qaaddo Eritrea.