Puntland ayaa ugu baaqday dadka u socdaalaya degaanadeeda ee wata baasaboorrada ajnebiga ah in aysan adeegsan adeegga E-VISA ee ay bixiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku andacootay inuusan adeeggu buuxin shuruudaha amniga dijitaalka ah.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in nidaamka E-VISA uu leeyahay tabar-darro amni oo keeni karta in xogta dadka adeegsanaya ay gasho gacmo aan la isku hallayn karin.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dhaqaalaha kasoo xarooda E-VISA aanu noqon karin mid si gaar ah gacanta ugu jira Dowladda Federaalka, maaddaama uusan jirin xeer qeexaya sida loo wadaago dakhligan.
“Waa mashruuc boob lacageed ah oo aan lahayn nidaamyo amni oo xogta lagu ilaaliyo, mana jiraan backup-yo. Xogaha la helay waxay muujinayaan in la jabsaday oo xogtii dadku lahaayeen lagu faafiyay internet-ka,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.
Hadalkan ka soo yeeray Puntland ayaa imaanaya iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay beenisay wararka ku saabsan khataraha amni ee E-VISA, waxayna ku tilmaantay dacaayad ay faafinayaan kooxo ay sheegtay in aanay dooneyn horumar kasta oo lagu xoojinayo midnimada dalka.











