Puntland oo eedeyn culus u jeedisay Hay’adda SoDMA

2

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland, Ubax Cabdirashiid, ayaa eedeyn culus u jeedisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), iyada oo sheegay in ay si qarsoodi ah oo sharci–baalmar ah ugu soo dirtay hay’ado aan dowladda Puntland ogeyn.

Wasiir Ubax oo wareysi siisay warbaahinta  ayaa sheegay in SoDMA “si qarsoodi ah” NGO-yo ugu dirtay Puntland, islamarkaana lagu wargelin wasaaradda ama hay’adaha maamulka ee u qaabilsan arrimaha samafalka.

Wasiirka ayaa intaas ku dartay in dowladda Puntland “ku daba jirto” baarista arrintan, isla markaana ay qaadayaan tallaabo kasta oo sharci ah oo looga hortagayo faragelinta iyo dhaqamada uu ku tilmaamay kuwa aan nidaamka waafaqsanayn.

Maamulka Puntland ayaa hore u sheegay in hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ay tahay in ay soo maraan nidaam dowladeed oo cad, si looga hortago isku dhex-yaac iyo musuq ka dhasha hab-raacyo aan la isku waafaqsaneyn.

Ilaa hadda SoDMA kama aysan hadlin eedeynta ka soo yeertay Puntland.

Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday in xaalad abaareed oo saameysay ku dhawaad hal milyan oo qof, iyadoo dalbatay gargaar bini’aadantinimo in lala soo gaaro dadkaas.