Maraykanka oo Sheegay in La Jabsaday Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya, Lana Xaday Xogta Kumannaan Qof

2
 Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin rasmi ah oo ku saabsan suurtaglnimada in kooxaha burcad internet-ka ay dhex-galeen nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-Visa) ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Safaaradda ayaa sheegtay in ilo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ay 11-kii November 2025 xaqiijiyeen suurtagalnimada weerarka burcada, taas oo keentay suurtagalnimada in la faafiyo xogaha ugu yaraan 35,000 qof oo dalbaday fiisaha Soomaaliya.
“Waxaa la rumeysan yahay in ay ku jiraan kummanaan muwaadiniin Maraykan ah dadka macluumaadkoodii ay suuragal tahay in la jabsaday,” ayaa lagu yidhi qoraalka Safaaradda.

Safaaraddu waxay sheegtay in xogaha la jabsaday ay ka mid yihiin magacyada codsadayaasha, sawirrada, taariikhda iyo goobta dhalashada, cinwaanada email-ka, xaaladda guurka iyo cinwaanada deggenaanshaha.

Safaaraddu waxay sheegtay in ayna awoodin inay xaqiijiso in qof walba oo dalbaday fiisaha xogtiisa la jabsaday, balse ay suuragal tahay in cid kasta oo hore u dalbatay dal-ku-galka elektarooniga ah ee Soomaaliya uu weerarkani saameeyey.
Waxay ku talisay dadka laga yaabo in xogtooda la helay in ay la socdaan warbixinada iyo ogeysiisyada kasoo baxaya Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee ku saabsan xaaladda nidaamka E-Visa, isla markaana ay la tashadaan khubaro ku takhasustay sida loo maareeyo khataraha la xidhiidha xogaha la jabsado.
Inkasta oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna weli xaqiijin weerarka la sheegay in lagu qaaday nidaamka dal-ku-galka, haddana maalmihii lasoo dhaafay waxa baraha bulshada gaar ahaan barta X ku faafay kumannaan dukumeenti, sawirro, baasabooro iyo xogo kale oo shakhsi ah oo warbaahinta qaarkood sheegeen in ay yihiin dad Soomaaliya u soo safray oo xogtooda la jabsaday.
HOL ma xaqiijin karto sax ahaanshaha xogtan marka laga reebo sheegashada Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya. Wixii war ah ee kasoo kordha arrintan halkan ayaanu idiinku soo gudbin doona.