Inta lagu guda jiray kulanka, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey laba heshiis oo is-afgarad ah oo dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ku saabsan iskaashiga dhanka Warbaahinta iyo Dhaqanka ee labada dal, si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo is-dhaafsiga aqoonta ee labada dowladood.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa dhageystay warbixinnada Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, kuwaas oo faahfaahiyay xaaladda amni ee caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay horumar laga sameeyay sugidda amniga iyo qorsheyaasha lagu xaqiijinayo nabadgelyada doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ee dhawaan la qaban doono.
Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah u bogaadiyay guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyaga oo ku ammaanay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo badqabka iyo nabadda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay dhacdooyin dhowaan dhacay oo ka hor imaanaya dhaqanka iyo diinta Islaamka, kuwaas oo lagu dhibaateeyay shacab aan waxba galabsan.
Xukuumaddu waxay farriin adag u dirtay hay’adaha amniga, iyada oo ku amartay in la horkeeno sharciga cid kasta oo ku lug yeelatay falalkaas xadgudubka ah.











