
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay baaq nabadeed oo ay ku cambaareyneyso colaadaha sokeeye ee ku soo noqnoqday qaybo ka mid ah dalka, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Bayaanka oo ay wasaaraddu soo saartay, kuna taariikhaysan Noofembar 9, 2025, ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay si adag uga soo horjeedo dilka, beegsiga iyo guud ahaan colaad kasta oo ka dhan ah Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Wasaaraddu waxay ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaallada iyo dhiigga daadanaya, isla markaana ay hay’adaha amniga qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu soo xakameynayo dadka ka dambeeya falalka foosha xun ee kicinta bulshada iyo hurinta colaadaha.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ugu baaqday Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, odayaasha dhaqanka, culimada, iyo haweenka in ay door muuqda ka qaataan dejinta xaaladda iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah, iyadoo la ilaalinayo wadajirka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii, wasaaraddu waxay Allaha u baryeysay dadkii ku nafwaayay dagaalladaas in uu Janno ka waraabiyo, ehelkoodana uu samir iyo iimaan ka siiyo, iyadoo ku celisay ballanqaadkeeda ku aaddan in la sii wado dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta dalka oo dhan.
Baaqa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kusoo aadaya xilli ay Gobolada dalka gaar ahaan degaanada Gobolka Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose ay ka jiraan dagaalo ku saleeysan aanooyin qabiil oo ay ugu dambeeysay dhacdo xanuun badan oo shalay ka dhacday Degaan hoostaga Wanlaweyn halkaasi oo nin odey madaxa looga jiray lagu gubay.