Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u tartamayo muddo-xileedkiisii lixaad

2

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo doorashada madaxtinimo ee dalkaas ee lagu wado in ay dhacdo Abriil 2026, taas oo noqon doonta muddadiisii lixaad ee uu xukunka u tartamo, kaddib markii baarlamaanka Jabuuti uu dhawaan meesha ka saaray xayiraaddii da’da iyo xaddidnaantii muddada xil-haynta ee dastuurka.

Madaxweynaha oo 77 jir ah ayaa sheegay in uu aqbalay codsi kaga yimid xisbiga talada haya ee Ururka Isbahaysiga Horumarka Dadweynaha (RPP), xilli lagu guda jiray shirweyne gaar ah oo xisbigu ku qabtay Qasriga Dadweynaha ee magaalada Jabuuti. Waxa uu sheegay in xisbigu ka codsaday in uu mar lixaad u tartamo madaxnimada dalka Jabuuti.

Geelle, oo xilka hayay tan iyo 1999, ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono siyaasaddiisa oo uu sheegay in ay ku dhisantahay “midnimo, xasillooni, iyo horumar” isagoo sheegay in dalku wajahayo caqabado caalami ah oo u baahan hoggaan adag.

Xisbigiisa iyo isbahaysiga Union for the Presidential Majority (UPM) ayaa leh aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka, taas oo ka dhigaysa in dib-u-doorashadiisu ay u muuqato mid la hubo. Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay 97% codadkii la tiriyay,
Inkasta oo aan la hubin saxnimada doorashada madaama wasaarada arrimaha guduhu ay masuulka tahay doorashooyinka Jabuuti.

Shirkii baarlamaanka Jabuuti ee toddobaadkii hore ayaa lagu ansixiyay beddelka dastuurka lagu sameeyay oo meesha ka saaray qodob tilmaamayay in aanu tartami karin qof da’diisu ka wayntahay 75 sano. Sannadkii 2010 ayaa sidoo kale dastuurka la badalay iyada oo meesha laga saaray qodob tilmaamayay in qofku aanu isasoo sharixi karin wax ka badan 2 jeer, talaabooyinkan ayaa loo qaaday si Geelle uu xilka usii joogo.

Madaxweynaha Jabuuti ayay xubnaha xisbigiisu ku ammaaneen inuu dalka ku soo hoggaamiyay xasillooni dhaqaale iyo amni, isagoo dhigay waddankiisa xarun istiraatiiji ah oo martigelisa saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Japan iyo Talyaaniga. Si kastaba ha ahaatee, ururrada xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeya xukuumaddiisa cabudhinta mucaaradka iyo xorriyadda saxaafadda. Sidoo kale mucaaradku waxay sheegaan in uu Jabuuti u horseeday dib u dhac.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka Saxafiyiinta aan Xuduuda Lahayn (RSF), Jabuuti ayaa sanadkan 2025 ku jirta kaalinta 168-aad ee 180 dal oo qiimayn lagu sameeyay, taasi oo ka dhigan in ay aad u liidato xoriyada saxaafadu, RSF ay sheegtay in “warbaahinta dalku ay si buuxda gacanta ugu jirto dowladda.” Geelle ayaa xilka kala wareegay aabbihii aasaasay madaxbannaanida Jabuuti, Xasan Guuleed Abtidoon, sannadkii 1999, kaddib markii uu muddo 22 sano u ahaa madaxa xafiiskiisa.