Ururka TPLF ayaa ku eedeeyay dawladda federaalka Itoobiya inay ku xadgudubtay heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii gobolka Tigray, kaddib markii ay sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn oo ay leedahay dawladda Itoobiya ay weerarro ku qaadeen xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno iyo dad rayid ah, taasoo keentay khasaare naf iyo maalba leh.
Warsaxaafadeed rasmi ah oo TPLF ay soo saartay ayaa lagu sheegay in weerarradan ay caddeyn u yihiin in dawladda Itoobiya aysan ku dhaqmeynin qodobadii lagu heshiiyay, iyadoo xiisad cusub oo u dhexeysa maamulka kumeel-gaarka ah ee Tigray iyo TPLF ay sii kordhayso.
Sidoo kale, ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in beesha caalamka ay si dhow ula socoto xaaladda, gaar ahaan Midowga Afrika oo la filayo inuu ku baaqo kulan degdeg ah si loo xoojiyo heshiiskii nabadda ee Pretoria.
Dowladda Federaalka Itoobiya wali kama aysan hadal eedeymaha TPLF, hase yeeshee saraakiil ka tirsan dowladda ayaa horey u sheegay in ay sii wadi doonaan “ilaalinta amniga dalka” iyo “la dagaallanka koox kasta oo khatar ku ah xasilloonida qaranka.”











