Gudoomiyaha Defend defenders Hassan shire ayaa bilaabay hay’adda oo marka ahaa hal qof , oo haysta hal kumbuyuutar, oo uu la fariisto miis yaalla geeska xafiis wadaag ah Magaalada Kampala ee Dalia Uganda
Ururka DefendDefenders ayaa sanadkan u dabaaldegaya 20 sano oo guul iyo geesinimo ah tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2005 oo uu aasaasay Hadaa shire oo horeyna u ahaa aasaasihi Xarunta Dr Ismail Jimcale ee xuquuqda Aadanaha oo uu aasaasay sanadki 1996 isagoo hormuud u noqday difaaca xuquuqda aadanaha ee qaaradda Afrika marki dambe gaar ahaan oo uu ka hirgeliyay barnaamijyo kala duwan oo lagu taageerayo difaacayaasha xuquuqda aadanaha (HRDs).
Ururkan oo xaruntiisu tahay Kampala, Uganda, ayaa muddo dheer ka shaqeynayay sidii loo xoojin lahaa awoodda dadka u taagan difaaca xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, halkaas oo xaaladaha amni iyo siyaasadeed ay si weyn u saameeyaan shaqada difaacayaasha.
Hay’adda DefendDefenders waxa ay Soomaaliya ka fulisay mashaariic isugu jira sida difaacida u dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda Aadanaha iyo wariyayaasha
Kaalmo degdeg ah: Taageero dhaqaale iyo amni oo degdeg ah ayaa la siiyay difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee wajahaya hanjabaado, weerarro ama cadaadis siyaasadeed.
Tababarro iyo Horumarin Aqooneed: Ururku waxa uu qabtay tababaro joogto ah oo ku saabsan ilaalinta xogta, wacyigelinta xuquuqda aadanaha, iyo isdifaaca sharci ee bulshada rayidka ah.
Taageero Nafsiyeed iyo Bulsho: Difaacayaasha Soomaaliya oo la kulma cadaadis joogto ah ayaa helay adeegyo nafsiyeed (psychosocial support) si ay u maareeyaan culayska shaqadooda.
Isku-xirnaanta Difaacayaasha Soomaaliyeed iyo Afrika: Iyada oo loo marayo barnaamijka Ubuntu Hub Cities Initiative, difaacayaasha Soomaalida ayaa loo suurtageliyay in ay helaan hoy ammaan ah iyo fursado dib-u-dejin ah marka ay xaalad adag ku jiraan.
Hawlahaas oo dhan waxay qayb ka yihiin dadaalka DefendDefenders ee lagu yareynayo halista ay wajahayaan difaacayaasha xuquuqda aadanaha, laguna xoojinayo codkooda gudaha iyo caalamkaba.











