Wasiirka ayaa arrintan ka hadlay xilli ay Senator Saynab Tiinbiye oo matasha gobolka Sanaag su’aalo ka weydiisay sababta iyo cidda mas’uulka ka ahayd weerarkaasi, Wasiir Fiqi ayaa sheegay in deegaanka duqeyntu ka dhacday uu hoos tago maamul goboleedka Puntland, isla markaana ay maamulkaas mas’uul ka yihiin xogaha sirdoon ee lala wadaago saaxiibada caalamiga ah, taasoo uu si dadban u muujiyay inay suuragal tahay in xogta lagu beegsaday caaqilka ay ka timid Puntland.
Sidoo kale, wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Federaalka aysan si rasmi ah uga warhayn dhacdada, balse ay warbixinta ku ogaatay baraha bulshada, kadib markii dadka deegaanka ay faafiyeen sawirrada gaariga uu saarnaa caaqilka ee la duqeeyay.
“Dowladdu hadda waxay ku howlan tahay baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo cidda ka dambeysa iyo sababta loo beegsaday caaqilka,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isagoo xusay in dhacdadaasi ay tahay mid culus oo u baahan baaris dhab ah.
Dhanka kale, taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa hore u sheegay in weerarka uu qayb ka ahaa howlgal lagu bartilmaameedsanayo shakhsiyaad la sheegay inay taageero siiyaan ururka Al-Shabaab, iyadoo AFRICOM ay ku eedeysay caaqil Cumar inuu ku lug lahaa iibinta hub sharci darro ah.
Eedeyntaas ayaa si weyn loo dhaliilay, waxaana dadka deegaanka iyo ehellada caaqilka ay sheegeen inuu ahaa oday nabadoon caan ah oo aan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada.











