Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika iyo Madaxa Howlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El-Hadji Ibrahima Diene, sida ay sheegeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya AUSSOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada la xiriirta howlaha amniga iyo hirgelinta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga guud ee dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay doorka AUSSOM ee ku aaddan taageerada ciidamada amniga Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay isku-duwidda howlaha wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo xasilloonida dalka, xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala-guur ah oo amniga lagu wareejinayo ciidamada qaranka.
Kulanka waxaa goob joog ahaa Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cabdullaahi Cismaan, iyo Taliyaha Booliska AUSSOM, Hillary Sao Kanu, kuwaas oo ka wada hadlay horumarinta awoodda Booliska Soomaaliyeed iyo qorshayaasha mustaqbalka ee iskaashiga labada dhinac.
Kulankan ayaa imanaya iyadoo Dowladda Federaalka iyo AUSSOM ay sii wadaan dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.











