Weli waxaa socota tirinta codadkii laga dhiibtay doorashada duqa magaalada Minneapolis ee Mareykanka.
Ilaa hadda waxaa la tiriyay codadka boqolkiiba 4% codadkii la dhiibtay.
Duqa hadda xilka haya ee magaaladaas ee kursigiisa difaacanaya, Jacob Frey ayaa ku horreeya ilaa 3800 oo cod codadkii la tiriyay , halka ninka ku soo xiga, oo ah musharaxa Soomaaliga ah, Cumar Faatax uu heysto 2800.
Taas waxay ka dhigan tahay in Jaconb u uku horreeyo 1000 cod, kuwa ilaa hadda la tiriyay.











