Zohran Mamdani oo ah nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Hindiya, islamarkaana kusoo barbaaray dalka Uganda ayaa ugu dambayn ku guulaystay inuu noqdp duqa Magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Mamdani ayaa guushiisa ka hor culays xoogan iyo hanjabaad adag kala kulmay madaxweynaha dalkaas Donald Trump, hayeshee ugu dambeyn wuxuu gaarau guul taariiqi ah.
Zohran Mamdani ayaa helay codad aad u badan oo u suurageliyay inuu noqdo Duqa Magaalada ugu weyn dalka Mareykanka ahna magaalada Fadhiga u ah wakiillada kala duwan ee dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee New York.
Mamdani ayaa guushiisa kadib si weun ugu mahadceliyay dadkii codkooda siiyay ee u rumeeyay riyadiisa ahayd inuu noqdo Duqa Magaalada New York, waxaana masuulkan uu ka mid noqonaya liiska xubnaha kasoo jeeda Koofurta Qaaradda Aasiya ee xilalka kala duwan ka qabtay waddamo kale ee Caalamka.
Taariiqda ay qortay guusha Mamdani waxaa ka mid ah inuu noqday Muslimkii ugu horeeyay ee abid loo doorta inuu qabto xilka duqa Magaalada New York, waxaana guushiisa ay ku timid ballan qaadyo muhiim ah oo soo jiitay cod bixiyaasha codadkooda uu helay.
Ugu dambeyntii Donald Trump ayaa la sheegayaa inuu diyaarinayo qorshe lagu cuuryaaminayo maamulka cusub ee New York, waxaana la saadaalinayaa inuu qaadi karo talaabooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin inuu magaaladaas kaalmada dowladda dhexe siiso iyo culays kale.











