Golaha Isbahaysiga Dimuquraadiga Soomaaliyeed (SDA), oo ay ku mideysan yihiin 23 urur siyaasadeed oo ay horkacayaan siyaasiyiin caan ah ayaa ugu Baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in dib loo dhigo Doorashada Golaha degaanka Gobolka Banaadir.
Golahaa waxaa kujira Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kuwaas oo maanta soo saaray war-murtiyeed ay ku dalbanayaan in dib loo dhigo qabashada doorashada ee Golaha Deegaanka.
War-murtiyeedka, ayaa lagu sheegay in duruufo farsamo iyo kuwo siyaasadeed dartood ay habboon tahay in doorashada la qabto 30-ka December 2025, halkii horey loogu qorsheeyay in lagu qabto bishan November.
Isbahaysiga ayaa ku dooday in waqtigaas dheeraadka ah uu siin doono ururrada siyaasadeed fursad ay ku diyaariyaan liisaska musharrixiintooda degmooyinka, isla markaana Guddiga Doorashada uu soo saaro jadwal rasmi ah oo qeexaya taariikhaha ololaha iyo habka lagu hubinayo tirada taageerayaasha.
“Waxaa muhiim ah in la helo hannaan doorasho oo hufan oo u siman dhammaan ururrada siyaasadeed, iyadoo aan la cabsi gelin ama laga hor istaagin ka howlgalka degmo kasta,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka SDA.
Isbahaysiga Dimuquraadiga Soomaaliyeed ayaa sidoo kale dhaliilay qaar ka mid ah maamul-goboleedyada oo lagu eedeeyay inay hor istaageen furitaanka xafiisyada ururrada siyaasadeed, taasoo ay sheegeen inay tahay “mid ka hor imanaysa xorriyadda iyo hufnaanta dimuqraadiyadda dalka.”
SDA ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka inuu tallaabo ka qaado arrintaas, si loo hubiyo in ururrada siyaasadu si xor ah uga shaqeeyaan degmooyinka dalka oo dhan.
Ugu dambeyn, Isbahaysigu wuxuu ugu baaqay shacabka Gobolka Banaadir iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed inay si firfircoon uga qeyb qaataan diyaarinta doorashada, gaar ahaan qaadashada kaararka cod-bixinta, iyagoo nabadda iyo is-ixtiraamka dhowraya.











