Wasaaradda Difaaca ee dalka Turkiga ayaa si rasmi ah u beenisay warar dhowaan lagu faafiyay baraha warbaahinta, kuwaas oo sheegayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu wareejiyay diyaaradaha dagaalka ee T129 ATAK.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in diyaaradihii T129 ATAK ee lagu arkay xaflad lagu qabtay safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwa ka tirsan Howlgalka ciidamada Turkiga ee jooga Soomaaliya, balse aanay kamid ahayn hantida ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiin dhanka ammaanka ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in diyaaradahaasi ay yihiin kuwa ciidamada Turkiga ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya, islamarkaana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed aysan weli haysan diyaarado noocaas ah.
Sidoo kale, saraakiil kale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in diyaarado iyo gaadiid militari oo dhowaan la keenay ay dhammaantood leeyihiin saldhigga TurkSom, halkaas oo Turkigu ku tababaro ciidamo Soomaaliyeed, balse aysan jirin diyaarado casri ah oo si gaar ah ugu diiwaan gashan dowladda Soomaaliya.
Hadalkan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay hore u sheegtay in ay ciidamadeeda ku qalabeysay hub iyo gaadiid casri ah, si loo xoojiyo awoodda difaaca dalka.
Si kastaba ha ahaatee, caddeynta Turkiga ayaa muujineysa in diyaaradaha T129 ATAK ay weli ku sugan yihiin gacanta Turkiga, isla markaana aanay weli qayb ka noqon qalabka ciidamada Soomaaliya.











