Trump oo markale ku baaqay in Soomaaliya loo masaafuriyo Xildhibaan Ilhaan Cumar

4

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dib u soo nooleeyay baaqyadiisii hore ee ahaa in la masaafuriyo xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa baraha bulshada kusoo faafiyay muuqaal hore oo ay ku jirto Ilhaan Cumar (D-MN) oo ah muwaadin Mareykan ah oo dhalasho loo siiyay.

“Waa inay dib ugu noqotaa dalkeeda,” ayuu Trump ku qoray barahiisa bulshada ee Truth Social, isagoo faafiyay muuqaal Ilhaan Cumar ay kaga hadlaysay munaasabad ay ku sheegtay in Soomaaliya tahay gurigeeda. Muuqaalkan ayaa markii hore lagu faafiyay Twitterka.

Trump muddo dheer ayuu Ilhaan Cumar bartilmaameed ugu ahaa inuu masaafuriyo. Bishii September ee sanadkan, Trump ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal ku tagay Maraykanka u sheegay inuu horey usii kaxaysto Ilhan  Cumar.

Maraykanka. Dad badan ayaa si degdeg ah u cambaareeyay hadalo si qaldan loo turjumay oo laga faafiyay xildihibaananda Koongareeska.