Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaybgalaya furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar

4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgelayo munaasabadda rasmiga ah ee furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Qaahira kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Masar, xubno ka socda Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira, iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan, kuwaas oo muujiayay dareen farxadeed iyo taageero qaranimo.

Inta uu joogo Qaahira, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid noqon doona madaxda dalalka caalamka ee lagu casuumay furitaanka matxafka cusub, kaas oo lagu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah kuwa ugu ballaaran uguna casrisan dunida Islaamka iyo Afrika, islamarkaana soo bandhigaya taariikhda fog ee Masar iyo dhaxalka ilbaxnimadeedii hore.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in booqashada Madaxweynaha ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, kuwaas oo ku saleysan diin, dhaqan iyo wax-wadaag qarniga badan soo jirey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulammo gaar ah la yeesho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdifataax Al-Sisi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Masar, si ay uga wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin:

Xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal; Iskaashiga dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, iyo amniga Badda Cas; Iyo doorka Masar ee taageerada Soomaaliya ee dhanka diblomaasiyadda iyo horumarinta bulshada.

Masar ayaa kamid ah dalalka Carabta ee xiriir taariikhi ah la leh Soomaaliya, gaar ahaan dhanka diinta, waxbarashada iyo arrimaha amniga gobolka, waxaana boqolaal arday Soomaaliyeed ay wax ku bartaan jaamacadaha iyo dugsiyada diimeed ee dalkaas, sida Al-Azhar oo ah xarunta ugu weyn ee cilmiga Islaamka ee caalamka Muslimka.

Munaasabadda furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar ayaa la filayaa inay soo jiidato madax, aqoonyahanno iyo marti sharaf caalami ah, iyadoo matxafkaasi noqonayo xarun lagu kaydin doono dhaxalka ilbaxnimada Masar iyo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee lagu xasuusan doono taariikhda bani’aadamka.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Masar ayaa lagu tilmaamay mid diblomaasiyadeed oo muhiim ah, kaas oo xoojinaya doorka Soomaaliya ee xiriirka caalamiga ah, isla markaana ka tarjumaya in dowladdu ay mudnaanta siinayso soo celinta iyo horumarinta xiriirradii istiraatiijiga ahaa ee dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya.