Samia Suluhu Hassan ayaa heshay tiro ahaan 97.66% codadkii la dhiibtay, taasoo oo u suuragalinaysa inay sii hayso xilka madaxweynanimada dalkaas.
Guddigu ayaa sidoo kale sheegay in doorashadii Arbacada markii ay tiriyeen codbixintii dhacday in sidaas kusoo idlaatay natiijada, islamarkaana Samia Hassan loo caleemo saarayo xilka Madaxweynaha dalka Tanzania.
“Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa in Samia Suluhu Xasan loo doortay Madaxweynaha Tanzania iyadoo ka socota xisbiga CCM, waxay heshay 97.66%” sidasi waxaa yiri guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dalka Tanzania Jacobs Mwambegele oo ka shaacinaayay natiijada Warbaahinta dowladda.
Ku dhawaaqista natiijadaan ayaa imaaneysa, iyadoo rabshado ka dhanka ah doorashadaas sadexdii maalmood ee u dambeeyay ka dhacayeen qeybo ka mid ah dalka Tanzania.
Ugu dambeyntii doorashooyinka Tanzania waxaa codeeyay dad gaaraya 32,678,844, hayeeshee Samia Suluhu Hassan ayaa ka heshay codayntaas dad gaaraya 31,913,866 sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka INEC oo natiijadaas shaaciyay.











