Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa cambaareeyay wararka sheegaya dilalka loo geystay bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka.
Bayaan uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in saameynta dagaalku ku yeeshay dadka rayidka ah ay tahay mid naxdin leh, iyadoo loogu baaqay xubnaha golaha in ay masuuliyadda dilalka sharciga ka baxsan iyo xarigga aan sababta lahayn lagula xisaabtamo ciidamada RS
om Fletcher, oo ah mas’uulka ugu sarreeya ee arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay, ayaa golaha ammaanka u sheegay in RSF ay u sheegeen in ay dad xireen, isagoo intaa ku daray in iyadoo “haween iyo gabdho la kufsanayo, dadna la dhaawacayo ama la dilayo muuqaallo laga duubay.”
Fletcher ayaa yiri, “Inkasta oo aynaan maqal qaylada, haddana marka aynu maanta halkan fadhinno, argagaxu wuu sii socdaa,” isagoo sharaxay in “tobanaan kun oo qof oo cabsi iyo gaajo la ildaran ay yihiin kuwo baxsad ah ama ka xeeladaysanaya meelaha ay dagaalladu saameeyeen.”
Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee dalka Suudaan ee la yidhaahdo (RSF), ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in cisbitaal ku yaalla magaalada la yidhaahdo El-Fasher ee waqooyiga Darfur ay ku dileen in ka badan afar boqol oo qof.
Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in shacabka ay ka carareen magaalada, islamarahaantaana, aanay jirin isbitaallo shaqeynayay markii RSF ay la wareegtay magaalada usbuucii hore
 
			










