Puntland oo lagu eedeeyay in garoomadeeda lagu adeegsaday duulimaadyo hub lagu geeyo Suudaan

7

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisiciid Muuse Cali, ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uu noqday meel hakad ku sameeyaan diyaarado si joogto ah uga duulayay Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo u sii socday dalalka Liibiya iyo Suudaan.

Cabdisiciid ayaa sheegay in duulimaadyadan aysan ahayn kuwo ganacsi caadi ah, balse ay ahaayeen kuwo qorshaysan oo hub loogu gudbinayay ciidamada RSF ee Suudaan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay geysteen xasuuqyo ka dhacay magaalada Al-Fasher iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Daafuur.

Wuxuu tilmaamay in qaar ka mid ah diyaaradahaasi ay marayeen hawada Soomaaliya ama ay ku hakadeen garoomo ku yaalla gudaha dalka, gaar ahaan Boosaaso, taas oo uu ku sheegay mid dhalin karta eedeyn iyo fadeexad caalami ah haddii ay run noqoto.

“Haddii dowladda Soomaaliya ama maamul goboleed ka tirsan dalka uu oggolaansho siiyay duulimaadyadan, taasi waxay noqonaysaa masuuliyad darro weyn ama ka qaybqaadasho toos ah oo lagu taageerayo ciidan lagu eedeeyay dambiyo dagaal,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda.

Cabdisiciid ayaa ku baaqay in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu ogaanayo cidda bixisay oggolaanshaha duulimaadyadan, iyo in la hubiyo dhammaan duulimaadyada xamuulka ee maray hawada Soomaaliya tan iyo bartamihii 2025.

Wuxuu uga digay dowladda Soomaaliya in haddii la caddeeyo in dalka uu qayb ka yahay rarista hubka, ay suurtogal tahay inay wajahdo cunaqabatayn caalami ah, ciqaab dhaqaale iyo lumis kalsooni caalami ah.