Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026 iyo Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo ku saabsan iskaashiga socdaalka, iyo Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka, iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanka qalabka-sida ka gaarayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta.











