Booliska Maamulka Waqooyi Bari oo qabtay Nin ku eedeysan kufsi uu ka geystay Laascaanood.

2

War rasmi ah oo kasoo baxay Ciidanka Booliska Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ee degmada Laascaanood ay xalay, abaaro 1:30 habeenimo, howlgalkii ay ku baadi goobayeen eedeysanaha Cawil Cumar Ganey, oo lagu eedeeyay inuu ka gaystay fal kufsi agagaarka degmada Laascaanood, ugu dambeyntii gacanta ku soo dhigeen.

Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyay in Cawil Cumar Ganey uu muddo toddobaad ah ku jiray raadinta ciidamada, kuwaas oo si qorshaysan ugu fuliyay howlgalka qaybta dambi-baarista ee degmada Laascaanood.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha la qabtay uu hadda ku jiro saldhigga dhexe ee Laascaanood, waxaana la filayaa inuu gudaha maalmaha soo socda la horgeeyo hay’adaha garsoorka si uu u maro geedi socodka cadaaladda.

Boolisku waxay ku booriyeen bulshada inay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro dambiyada, gaar ahaan kuwa kufsiga iyo amni-darrada, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Waxa kale oo ay bulshada ugu baaqeen in si degdeg ah loo soo sheego cid kasta oo lagu tuhmo falalka noocan ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo nabadgelyada bulshada.