Wasiiradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Amb. Olivier Jean Patrick Nduhungirehe ayaa heshiis muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Kigali ee dalka Rwanda.
Heshiiskan ay wada gaareen labada dal ayaa ah mid lagu xoojinaayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda si loo ballaarinayo iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, maalgashiga, iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowliga ah.
Labada Wasiir arrimo Dibadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Rwanda ayaa sidoo kale ka wada hadlay kor u qaadista iskaashiga dhaqan dhaqaale iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal, kuwaas oo gacan ka geysan doona xoojinta nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada gobolka.
Masuuliyiinta labada dal ayaa heshiiskan ku tilmaamay talaabo taariikhi ah oo muhiim u ah xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi waara oo ku saleysan ixtiraam iyo dan wadaag.
Ugu dambeyntii heshiiskan ayaa ka mid noqonaya heshiisyo muhiim ah oo ay dowladda Soomaaliya sanadahii ugu dambeyay la galeysay qaar ka mid ah dalalka Caalamka











