Ra’iisul Wasaare Xamse oo u Magacaabay Prof. Saalim Caliyow Ibroow Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

6

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Prof. Saalim Caliyow Ibroow inuu noqdo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Go’aanka magacaabista ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaruhu uu qiimeeyay baaxadda iyo muhiimadda howlaha horyaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, taas oo ah mid laf-dhabar u ah qorshaha horumarinta bulshada iyo shaqo-abuurka dalka.

rof. Saalim Caliyow Ibroow ayaa ah siyaasi iyo aqoonyahan khibrad dheer u leh maamulka iyo dowladnimada, isagoo horey u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo Ra’iisul Wasaare Kumeel gaar ah xilligii Dowladda Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya.

Waa markii 18aad ee uu kasoo muuqdo Golaha Wasiirada Soomaaliya, laga soo bilaabo xukumaddii Cumar Carte Qaalib ee 1991 illaa tan maanta ee Xamse Cabdi Barre

Intii uu ku jiray xilalka kala duwan ee dowladeed, Prof. Ibroow ayaa soo qabtay wasaarado muhiim ah sida Wasaaradaha Maaliyadda, Xanaanada Xoolaha, Dhaqanka iyo Waxbarashada Sare.

Sidoo kale, waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii u tartamayey xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka kadib markii xilka laga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Prof. Saalim Caliyow Ibroow ayaa hadda sidoo kale ah Wakiilka Qaranka ee Soomaaliya u qaabilsan UNESCO, taas oo muujineysa kaalintiisa firfircoon ee dhinacyada aqoonta, dhaqanka iyo horumarinta bulshada.