Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan, ayaa tababar muhiim ah uga furay Muqdisho 32 suxufi oo ka howlgala warbaahinta dalka, kaas oo diiradda lagu saaray ka hortagga wararka been abuurka ah iyo marin-habaabinta bulshada.
Tababarkan oo ay iska kaashanayaan Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Dowladda Australia, ayaa waxaa looga golleeyahay in lagu xoojiyo xirfadaha weriyayaasha ka kala yimid Muqdisho iyo gobollada dalka, iyadoo la siinayo tababar gaar ah oo ku saabsan awoodda saxafiyiinta ee ka hortagga wararka aan la hubin iyo marin-habaabinta lagu faafiyo aaladaha warbaahinta.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan, ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim u yahay difaaca runta iyo hufnaanta saxaafadda, isagoo tilmaamay in wararka been abuurka ah ay halis ku yihiin kalsoonida bulshada iyo xasilloonida dalka.
Safiirka Australia ee Kenya, Marwo Jenny Da Rin, oo ka qayb gashay furitaanka tababarka iyada oo adeegsanaysa qadka fogaan aragga, ayaa muujisay farxadeeda ku aaddan taageerada joogtada ah ee Australia ay siiso saxafiyiinta Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xirfadooda warbaahineed loona dhiirrigeliyo warbaahin madax-bannaan oo hufan.
Tababarkan ayaa ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo xirfadaha saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo ka hortagga faafinta wararka khaldan, iyada oo la xoojinayo kalsoonida bulshada iyo taageerada warbaahinta hufan ee dalka.











