Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo kala hadashay dowladda Turkiga sidii Soomaalida loogu caawin lahaa deganaanshaha dalkaas

6

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara ayaa Dowladda Turkiga kala hadashay sidii wax looga qaban lahaa caqabaddaha Soomaalida ka haysata sharciga degganaanshaha dalkaas.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga, Danjire Fatxudiin Cali Maxamed (Ospite), ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Ali Yerlikaya. Kulankan oo ka dhacay magaalada Ankara ayaa lagu falanqeeyay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan looga caawin lahaa helitaanka iyo cusboonaysiinta sharciga deganaanshaha, iyadoo laga eegayo sidii xal kumeel gaar ah iyo mid rasmi ah looga gaari lahaa arrintan.

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa Wasiirka uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee Turkiga ay u fidiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale xusay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay walaaltinimo, iskaashi iyo is-ixtiraam soo jireen ah, isla markaana uu sii xoogaysanayo sanadba sanadka ka dambeeya.

Safiirka ayaa tilmaamay in safaaraddu ay bilihii la soo dhaafay si weyn uga shaqeynaysay sidii loo xallin lahaa arrimaha sharciga deganaanshaha ee ay wajahayaan qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Turkiga. Wuxuuna sheegay in arrintan ay qayb weyn ka qaateen Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka ee Soomaaliya, kuwaas oo safaaradda kala shaqeeyay xog uruurin iyo isku dubbaridka dadaallada diblomaasiyadeed ee ku saabsan xal u helidda arintan.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Ali Yerlikaya, ayaa ballan qaaday in dowladda Turkiga ay si dhow ula shaqeyn doonto safaaradda Soomaaliyeed ee Ankara, si xal rasmi ah looga gaaro caqabadaha deganaanshaha ee horyaalla jaaliyadda Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa kusoo idlaaday is -afgarad, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen doonis wadajir ah oo lagu xoojinayo xiriirka, iskaashiga iyo taageerada u dhaxaysa Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkiga ayaa bishii July ee sannadkan joojiyay bixinta deganaanshaha  ajaaniibta illaa amar dambe marka laga reebo xaaladaha qasabka ah sida arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo ganacsiga caalamiga ah.

Turkiga waxaa ku nool 5.4 milyan oo ajnabi ah, kuwaas oo 1.2 milyan ku nool Istanbul, taasoo ka dhigan 8% dadweynaha ku nool magaaladaas. Tiradan waxaa ka mid ah 535,025 qaxooti Suuriyaan ah.