Go’aamo kasoo baxay shirka nabadda ee beelaha gobolka Sanaag

5

Shirkii beelaha wada dega gobolka Sanaag uga socday magaalada Ceerigaabo ayaa laga soo saaray qodobo ay ugu muhiimsan yihiin in nabad lagu wada noolaado, amniga gobolka looga dambeeyo xukuumadda Somaliland, iyo in xukuumaddu ay mashaariic horumarineed ka fuliso gobolka.

Guddida nabadda ee gacanta ku haysay shirkan oo uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta soo saaray qodobo taabanaya nabadda iyo wadajirka bulshada ku nool gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo.

“Guddidu waxay go’aamisay in nabad iyo walaaltinimo lagu wada noolaado guud ahaan gobolka Sanaag iyo degmadiisa Ceerigaabo. Beelaha wada dega gobolka Sanaag waxay isla qaateen inay wada ilaashadaan walaalnimadooda, wadajirkooda iyo dowladnimadooda Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi go’aamada kama dambaysta ah ee shirka kasoo baxay.

Waxa kale oo ay isla qaateen in nabad loogu baaqo oo la baadi doono beelaha ka maqan gogosha nabadda, oo loola jeedo beesha u badan gobolka Sool, oo sidoo kale degta magaalada Ceerigaabo balse aan maanta qayb ka ahayn shirka nabadda.

Sidoo kale, guddidu waxay xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay mashaariic horumarineed ka fuliso guud ahaan gobolka Sanaag, si kor loogu qaado noloshada dadka.

“Waxa lagu heshiiyay in guud ahaan amniga iyo nabadda gobolka Sanaag ay dowladdu ka masuul tahay, cid kasta oo nabadda cadow ku ahna ay dowladdu gacan bir ah ku qabato iyada oo kaashanaysa shacabkeeda,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Ugu dambayn, go’aanka shirka ayaa lagu sheegay in beelaha gobolka Sanaag ay u mahadcelinayaan Madaxweynaha Somaliland, oo gogosha nabadda isagu dhigay, isla markaana ay ku tilmaameen shakhsi ay ka go’antahay isku wadka bulshada.