Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xiritaanka hay’adda USAID uu si weyn u saameeyay dhaqaalaha Soomaaliya

2
 Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, ayaa sheegay in xiritaanka Hay’adda Maraykanka u qaabilsanayd Horumarinta Caalamiga ah (USAID) ay saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha dalka.

Hodan Cusmaan oo ah madaxa bangiga, taasoo hadal ka jeejisay shirkii Financial Times Africa Summit ee London, ayaa sheegtay in hakinta gargaarka Maraykanku ay sababtay hoos u dhac weyn oo ku yimid dhaqdhaqaaqa ganacsiga, ururinta canshuuraha, iyo wax soo saarka guud ee gudaha.

Waxay intaas ku dartay in qaybaha sida caafimaadka, waxbarashada, iyo barnaamijyada horumarinta ay si gaar ah u dhaawacmeen, taasoo daciifisay ganacsiyada maxalliga ah isla markaana gaabisay maalgashiga adeegyada muhiimka ah.

Madaxa bangigu waxay xustay in saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay hakinta gargaarku aysan ku koobnayn dowladda kaliya, balse ay si toos ah u saameysay bulshooyinka ku tiirsanaa shaqooyinka iyo mashaariicda laga maalgeliyo gargaarka dibadda.

Hakinta gargaarka ayaa timid kadib go’aankii Madaxweyne Donald Trump ee horraantii sanadkan, kaasoo ahaa dhimista miisaaniyadda gargaarka dibadda iyo xidhitaanka USAID.

Hodan Cusman ayaa tilmaamtay in Soomaaliya ay u baahan tahay in la xoojiyo nidaamyada dakhliga gudaha iyo in la soo jiito maalgashi gaar ah si loo yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka caalamiga ah.

Waxay sheegtay in Bangigu uu qorsheynayo istaraatijiyado cusub oo dhiirrigeliya ganacsiga iyo maalgelinta maxalliga ah, hase yeeshee waxay sheegtay in dib u dhisidda kalsoonida maalgashadayaasha ay qaadan doonto waqti.