Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa lagu sheegay in Abdelatty uu soo dhoweeyay horumarka laga gaaray qorshaha dirista ciidamada Masar ee ku wajahan Soomaaliya, isla markaana uu mar kale xaqiijiyay sida Qaahira uga go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegay inuu rajeynayo in si dhow loo dhammeystiro habraacyada dirista ciidamada Masar, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo maalgelin caalami ah oo joogto ah si loo xaqiijiyo waxtarka hawlgalka.
Masar ayaa ku dhawaaqday ka qaybgalkeeda AUSSOM bishii Diseembar 2024, afar bilood kadib markii ay la saxiixatay Soomaaliya heshiis iskaashi ciidan ah. Abdelatty ayaa hore u sheegay in dirista ciidamada Masar ay timid “codsi ka yimid dowladda Soomaaliya iyo oggolaanshaha Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.”
Intii uu socday kulanka Isniinta, wasiirka arrimaha dibadda ee Masar ayaa ku celiyay taageerada Qaahira ee ku aaddan dhismaha dowladnimada, midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga gobolka si loola dagaallamo argagixisada iyo xagjirnimada oo ah khataraha ugu waaweyn ee Geeska Afrika.
Labada wasiir waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, horumarka iyo caafimaadka.
Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisaalaam Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay Masar taageerada siyaasadeed iyo horumarineed, isagoo sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ay la leedahay Qaahira.
Labada dhinac ayaa isku raacay inay sii wadaan iskaashiga dhow ee ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee saameeya Geeska Afrika.