Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin kula yeeshay madaxtooyada xubno hore uga tirsanaa Madasha Mucaaradka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka diiradda lagu saaray xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrinta la xiriirta in qaar ka mid ah xubnahan maanta laga hor istaagay inay u safraan magaalada Baydhabo.
Lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan waxyaabaha si gaar ah looga hadlay, balse ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu doonayo in la xalliyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo laga hortagayo in xaaladdu kasii darto.