Dhaqaalaha Soomaaliya oo qeyb ka ahaa ajandaha Shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka

3

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb galay fadhi muhiim ah oo ka tirsan shirka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka, kaas oo ka dhacay magaalada Washington.

Fadhiga uu Wasiir Biixi ka qeyb galay ayaa shir-guddoon ka ahayd Agaasimaha Guud ee IMF, Kristalina Georgieva, waxaana sidoo kale kasoo qeyb galay Wasiirrada Maaliyadda ee qaaradda Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa khudbad kooban ku muujiyay saameynta ay isbeddelka cimiladu ku yeelatay dhaqaalaha dalalka Afrika, isagoo ku baaqay in la helo xal waara oo lagaga jawaabo caqabadaha jira.

Intii uu shirku socday, Wasiir Biixi iyo wafdigiisu waxay kulan gaar ah la yeesheen wafdi ka socday dowladda UK, iyagoo ka wada hadlay fursadaha maalgashi, saameynta isbeddelka cimilada, iyo dib-u-dhiska dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta (AMF), Fahad Al-Turki, si ay uga wada hadlaan taageerada maaliyadeed, hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, iyo qorsheyaasha horumarineed ee dowladda.