Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka EAC

5

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta kulan la qaatay Xildhibaannada cusub ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kuwaas oo shalay ay doorteen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa Xildhibaannada cusub ugu hambalyeeyay xilka culus ee loo doortay, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan matalaad dhab ah iyo waxqabad muuqda oo ku saabsan danaha dalka ee heer gobol.

“Mas’uuliyaddan aad qaadeen waa mid qaran. Waxaa idinka saaran waajibaad ah in aad si daacadnimo leh ugu adeegtaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kana qayb-qaadataan xoojinta doorka Soomaaliya ee Ururka EAC,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Senator Cabdullaahi Timacadde, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada Aqal.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada la doortay ayaa uga mahadceliyay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka kalsoonida ay ku siiyeen in ay Soomaaliya ku metelaan golaha sharci-dejinta ee EAC. Waxay ballan qaadeen in ay si daacad ah uga shaqeyn doonaan danaha dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa si adag ugu dardaarmay Xildhibaannada in ay xilka si buuxda u gutaan, ayna ka shaqeeyaan kor u qaadidda magaca, codka, iyo saameynta Soomaaliya ee gudaha Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay EAC sanadkii 2023, iyadoo ujeedadu tahay in ay qayb buuxda ka noqoto isku xirka dhaqaale, ganacsi, iyo horumarka siyaasadeed ee gobolka.