Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta howlaha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku dhiirrigeliyay Wasiirrada in ay sare u qaadaan wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta maamulka, si loo xaqiijiyo dowladnimo ka tarjumeysa baahida shacabka.
Intii uu socday kulanka, waxaa Golaha Wasiirrada lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska. Waxaa si gaar ah loo xusay guulo laga gaaray la dagaallanka Khawaarijta, iyadoo lixdii bilood ee u dambeeyay ay ciidamada Qaranka dileen tiro badan oo ka tirsan kooxaha argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidanka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa la wadaagay qorshaha miisaaniyadda sanadka 2026, taasoo la filayo in ay kororto marka loo eego sanadkii hore.
Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in kororkaasi miisaaniyadeed loo adeegsan doono maalgelinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo kaabeyaasha kale ee nololeed.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay Golaha Wasiirrada in ay si dhab ah uga qeyb qaataan geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka, si loo dhiso kalsoonida shacabka, loona horumariyo muuqaalka dowladnimo ee Soomaaliya.