Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Dalacsiinta Afar Dibloomasi

2

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta adeegyada dowladda.

Waxaa kulanka lagu ansixiyay soo jeedin rasmi ah oo ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, taas oo la xiriirta dalacsiinta afar diblomaasi oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, Danjireyaasha la ansixiyay ayaa kala ah, Axmed Cabdullaahi Axmed oo loo dalacsiiyay darajada Safiir, Shirwac Cabdullaahi Ibraahim oo loo dalacsiiyay Safiir, Xasan Xuseen Xasan oo loo dalacsiiyay Safiir iyo Guuleed Warsame Rooti oo loo dalacsiiyay Qunsul.

Waxaa intaa dheer in Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ay Golaha Wasiirrada la wadaageen warbixino amni, kuwaas oo muujinaya in lixdii bilood ee la soo dhaafay la gaaray guulo muhiim ah oo ka dhan ah Kooxda Al-shabaab.

Warbixinta ayaa sheegtay in la xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka, si loo adkeeyo amniga guud ee dalka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, iyadoo Madaxweynaha uu xukuumadda ku adkeeyay in la dardargeliyo fulinta qorsheyaasha dowlad