Booliska Soomaaliya oo sheegay in daawooyinka halista ah ee maanka dooriya lagu qabtay Dekedda Muqdisho

3

fhayeenka Booliska Soomaaliya, Cabdi Fitaax Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay dekedda Muqdisho ay qabteen daawooyinka halista ah ee maanka dooriya.

Afhayeenku wuxuu sheegay in kunteenar lagu qabtay dekedda, kaas oo laga helay waxyaabo maanka dooriya oo laga dhigay dawooyin, iyo sidoo kale dadka waday alaabtaas.

“Maandooriyahaan waxaan uga daba tagnay gudaha kartoonkii lagu soo shubay, kaas oo dusha looga qoray erayga Baisimool,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska.

Horey Dekedda Muqdisho waxaa looga qabtay kiisas la mid ah oo lagu soo geliyay waxyaabo maanka dooriya, taas oo muujineysa in falalkan ay yihiin kuwo joogto ah oo khatar ku ah amniga bulshada.

Daawooyinka loo isticmaalo daragooda ayaa halis weyn ku ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo laamaha ammaanka ay kordhiyeen kormeerka iyo qabashada dawooyinka la keeno dekedaha iyo shaqsiyaadka lagu eedeeyo falalkan sharci-darrada ah.