Senataro ka tirsan Aqalka Sare: Aqalka sare wuxuu noqday meel mushaar kaliya lagu qaato oo aan wax shaqo ah ka socon

2

Qaar ka mid ah senatarada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in golahoodu ku fashilmay gudashada doorkii iyo masuuliyaddii ka saarnayd xal u helidda khilaafaadka soo noqnoqday ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada qaarkood.

Intii lagu guda jiray dood ay yeesheen senataradu, waxay sheegeen in Aqalka Sare uu isagu ku dhex milmay khilaafka labada dhinac, isla markaana aanu muuqan kaalintii dhabta ahayd ee loo aas-aasay.

Qaar ka mid ah xubnaha ayaa xusay in goluhu u egyahay meel lagu qaato mushaar kaliya, halkii laga rabay inuu noqdo gole mideeya dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

“Annagu weligeen sanatarro masii ahaan doonno waxaa loo baahan yahay in aan noqono kuwo wax ku biiriya dowlad dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah senatarada doodda ka hadlay.

Senator Cabdiqani Geelle, oo matala Puntland, ayaa sheegay in sababta waxqabad la’aanta Golaha Aqalka Sare ay tahay in maamul goboleedyadu si toos ah ula xiriiraan dowladda federaalka, halkii uu Aqalka Sare noqon lahaa dhexdhexaadiye iyo wakiil rasmi ah oo matala dowlad-goboleedyada.

“Waxaa jira xildhibaano aan xitaa tegi karin deegaannadoodii, taasna waxay muujineysaa sida uu u liito xiriirka Aqalka Sare iyo shacabka ay metelaan,” ayuu yiri Senator Geelle.

Geelle ayaa intaas ku daray in meesha laga waayay hirgelinta nidaamka dastuuri ah oo qeexaya kaalinta Aqalka Sare iyo sida uu uga shaqeyn lahaa danaha dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Aqalka sare oo ka kooban 54 xubnood ayaa la dhisay sanadkii 2016. Waa gole matala dowlad-goboleedyada Federaalka, waxaana loo dhisay si uu u ilaaliyo nidaamka federaalka. Waxay matalaan danaha dowlad-goboleedyada, iyagoo hubiya in go’aamada federaalka aysan dhaawicin xuquuqdooda, dhexdhexaadiyaa khilaafaadka ka dhasha dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.