Israa’iil iyo Xamaas ayaa heshiis is afgarad oo hordhac ah ku wada gaaray magaalada Sharma shiikh ee dalka Masar, kadib wada hadalo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka, Masar, Turkiga iyo Qatar.
Heshiiskaan is afgarad ayaa imaanaya kadib laba sano oo dagaalo lagu hoobtay ay ka socdeen marinka Gaza, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Israa’iil iyo xoogaga hubeysan ee Xamaas.
Warsaxafadeed ay soo saartay Xamaas ayaa lagu xaqiijiyay in la gaaray heshiiskan xabad joojin ah, kaddib wada hadalo adag oo ay dhinacyada ku dhexmaray magaalada Sharma Shiik ee dalka Masar.
Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiskaan lagu sheegay waxaa ka mid ah in ciidamada Israa’iil inay gabi ahaanba ka baxaan marinka Gaza iyo in la fuliyo is weydaarsi maxaabiis si loo soo afjaro dagaalka lagu hayo shacabka Falastiin.
Wadahadaladan ayaa ku yimid qorshe uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxayna u gogol xaareysa in la joojiyo dagaalka iyo in la furo waddooyin la marsiiyo gargaarka bani’aadannimo.
Ugu dambeyntii dagaalka mudada labada sano ah u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xamaas waxaa lagu dilay in ka badan 70 kun oo ka mid ahaa shacabka reer Falastiin, kadib duqeymo aanan loo meel dayan oo ay Israa’iil ku garaaceysay labadii sano ee la soo dhaafay dadka ku nool Gaza.