Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan dhinacyada waxbarashada iyo cilmi-baarista.
Hehsiisyada isfgarad ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada, soona gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa kala ah;
2. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ku saabsan Tacliinta Sare.
3. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya kuna saabsan Tacliinta Sare Cilmi Baarista.
Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa looga dhageystay wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo la-dagaallanka Khawaarijta.