Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in sheegashooyinkaas ay yihiin “been abuur, marin habaabin iyo kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.”
Sida lagu xusay war-saxaafadeedka, iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sweden waa mid soo jireen ah, hufan, kuna dhisan ixtiraam wadaag iyo shuruucda caalamiga ah.
“Dhammaan wadashaqeynta labada dal waxay u martaa kanaallo diblomaasiyadeed rasmi ah iyadoo la marayo habraacyo ay la socdaan kormeerka golaha wasiirrada iyo hay’adaha dowliga ah ee la xisaabtanka leh” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeysay in dhammaan kaalmada horumarineed ee la siiyo dalka ay marto hannaan hufan oo ay maamulaan hey’adaha caalamiga ah sida Bangiga Adduunka, Qaramada Midoobay iyo nidaamka maaliyadeed ee dowladda dhexe.
War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyey in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo in la hubiyo in taageerada ay hesho shacabka Soomaaliyeed ay si cadaalad ah u gaarto.
Dhowaan ayay qaar kamid ah Warbaahinta Sweden ay tebiyeen in Xukuumadda Soomaaliya ay heshiis ay kuheleyso Malaayiin lacag ah ay la gashay Dowladda Sweden si Soomaalida dalkaasi dib loogu sooceliyo dalkooda.