Somaliland oo sheegtay in ay Puntland ku heshiiyeen ka hor taga maamulka Waqooyi Bari

6
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Maxamed Yuusuf, oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in ay Puntland ku heshiiyeen sidii looga hortagi lahaa maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Laascaanood.

Waxa uu sheegay in ay iska kaashanayaan la dagaalanka nabadgalyo darada isaga oo sheegay in ay jiraan kooxo maxali ah dhibaato wada iyo kuwa caalami ah, oo loo baahanyahay in layska kaashado, isaga oo si gaar ah u sheegay in ay iska kaashandoonaan ka hor taga Maamulka Waqooyi Bari.

“Xuduuda Somaliland waa meel la yaqaano, Jamhuuriyada Somaliland waxay ka qaadatay madaxnannaanida Ingiriiska 1960 kii, waana xad la yaqaano oo xadkii Talyaaniga iyo Ingiriiska u dhaxayn jiray, waxa meesha laga saarayaana waa xuudahan sanaaciga ah ee lasoo dhex galiyay, sida maamulka oo iyaguna ayna ogolayn anaguna anaan ogolayn” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu sheegay in Somaliland iyo Puntland labaduba ay maamulka Waqooyi Bari u arkaan dhibaato ay dowlada Soomaaliya ka abuurtay dhexdooda isaga oo sheegay in anay ogolayn, in maamulkaasi uu hano qaado oo uu dhexdooda ka samaysmo.

“Waa meelaha cadawga khaarajiga ahi uu ku dhuunto, waana meelaha aanu ka taxadarayno in ay noqoto gaboodyo naloo soo galo labadayada dhinacba, waana meelaha aanu iska kaashanayno” ayuu yidhi wasiirku.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in laga wada shaqeeyo nabada magaalada Ceerigaabo, isla markaana in laga shaqeeyo in dadkii magaalada ka qaxay ay dib ugu soo noqdaan.

Waxyaabaha kale ee ay isla afgarteen waxa kamid ah in si wada jir ah loola dagaalamo argagixisada, iyo isku socodka dadka iyo ganacsiga in la xoojiyo