Maamulka Jubbaland ayaa hoos u dhigay maqaamka iyo magaca Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:-.
Dowladda Jubaland mar walba waxay caddeynaysaa inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wada hadal iyo in loo midoobo ajandayaasha waaweyn ee dalkeenna u yaalla, iyadoo lagu heshiiyay in wada hadalladu sii socdaan isla markaana dib loogu kulmo fadhiyo kale si xal waara loo gaaro.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa uga mahadceliyay shacabka Jubaland niyadsamida ay muujiyeen iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da iyo qadiyadahooda gaarka ah.
Sidoo kale, Dowladda Jubaland waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda Kenya dadaallada ay ku bixinayso sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaanta jirta iyo xalinta khilaafaadka Soomaaliya”.