R/wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xalay u hoyday Jigjiga halkaasi oo uu ku joogo booqasho, Abiy ayaa ugu horeyn safar gaaban ku gaaray mashruuca dalxiiska Shabeelay oo ku yaala Degmada Shabeelay ee gobolka Faafan.
Waxaa kale oo uu xalay kormeeray mashruuca dib u habaynta wadooyinka Jigjiga.
Abiy ayaa sheegay in Jigjiga markii uu yimid uu ku arkay isbadal ka duwan markii horaanti sanadkan uu booqasho ku tagay halkaasi.
Mr abiy ayaa farta ku fiiqay in , gobolka Soomaalidu ay haystaan fursado cusub oo dalxiiska ah, Iyadoo mashruuca Gebeta Le Hager uu marayo heer gebageba ah.
Rai’sul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta dhagax dhigi warshada bacriminta beerha oo laga hirgaliyo gobolka Shabeele ee oo ay ku baxayso lacag ku dhow 3-Bilyan oo dollar.
Abiy Axmed ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Ra’iisul Wasaare ku xigeen Temesgen Tiruneh iyo Aadan Faarax.