Puntland oo soo jeedisay in caasimadda dalka loo wareejiyo Garoowe iyo fariin ay u dirtay dowlad goboleedyada.

4

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Ceydiid Dirir, ayaa ku baaqay in caasimadda Soomaaliya laga soo raro Muqdisho loona wareejiyo magaalada Garoowe, isagoo sheegay in taasi ay badbaado u tahay dowladnimada iyo ammaanka xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Wasiir Ceydiid Dirir ayaa sheegay in Muqdisho aysan ahayn meel ammaan u ah xildhibaannada, isagoo tilmaamay in qaarkood ay ku xayiran yihiin hoteello ay ku tilmaameen “magafe”, sidaas darteedna loo baahan yahay in loo helo meel ay si nabad ah ugu shaqeeyaan.

Wasiirka ayaa fariin gaar ah u diray maamul goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, isaga oo ku booriyay inay ku soo biiraan baaqa Puntland si loo isu keeno shirweyne lagu qabanayo Garoowe, loogana tashado mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay dalka, gaar ahaan xiriirka Villa Somalia iyo maamul goboleedyada qaarkood, taas oo keentay dood adag oo ku saabsan qaabka dowladnimada iyo halka caasimaddu ku habboon tahay inay ahaato.