Musharrax Suldaan Cabdi Qorane, oo kamid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee uu dalku wajahayo, isagoo si toos ah farta ugu fiiqay madaxda sare ee dowladda federaalka ah.
Suldaan Cabdi Qorane ayaa sheegay in hoggaanka dalka uu gabi ahaanba ku fashilmay hogaaminta iyo jihaynta Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay sababtay dhaawac weyn oo soo gaaray midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo wadajirka ummadda.
Hadalka Suldaan Cabdi Qorane ayaa imaanaya xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo ay isa soo tarayaan dhaliilaha loo jeedinayo hoggaanka hadda talada haya ee Villa Somalia.
Waxaa la filayaa in hadalkaan uu saameyn ku yeesho dooda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xilli doorashooyin la filayo in ay dhawaan dhacaan.