Dadaalo ay hormuud u ahayeen Imaamyadda, Ugaasyadda iyo guddi Xildhibaano ahaa ayaa suurtagaliyay in la baajiyo banaanbaxii lagu waday inuu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho.
Kulamo saacado badan qaatay oo Xalay ka dhacay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa Madasha Samatabixinta ku aqbashay soo jeedinta ka dhalatay dadaaladaas oo ku saabsana in la joojiyo banaanbaxa horay u iclaamisay Madasha.
Madasha Samatabixinta iyo dhinacyada ku howlana dadaalka lagu baajiyay banaanbaxa ayaa isla gartay in dib loo dhigo mudo sagaal maalmood ah si farsamo ahaan looga shaqeeyo goobta, goorta iyo habka uu ugu dhici lahaa si nabdoon oo sharciga waafaqsan.
Shir jaraa’id oo Xalay si wadajir ah ay u qabteen hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo guddiga xildhibaanada ayaa lagu xaqiijiyay in banaanbaxu yahay xuquuq dastuuri ah ee muwaadiniinta, hayeeshe loo baahan yahay in lagu qabto si nabad ah oo ay dowladda amnigeeda ku sugayso.
Is afgaradkan ayaa lagu soo afjaray xiisad culus oo maalmahan ka taagneyd Muqdisho, taasoo keentay cabsi iyo walaac xooggan oo ay muujiyeen shacabka ku nool Caasimadda oo ka baqayay in banaanbaxu isu beddelo mid hubeysan ama sababa qalalaase amni.
Ugu dambeyntii xaaladda magaalada Muqdisho ayaa saakay ah mid degan oo ka duwan wajigii laga filaayay in maanta oo sabti ah oo ay la walwal sanayeen dadka reer Muqdisho, waxaana si caadi ah u socda dhamaan dhaqdhaqaaqyada gaadiidka, ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha.