Shirka kadib Wasiir Fartaag oo warbaahinta la hadlay ayaa faray laamaha amniga in wixii hada ka dambeeya ay amar u qabaan ka hortaga cid walba oo uu sheegay iney qalqal galineyso amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
“Laamaha amniga Caasimada waxay amar u qabaan cid kasta oo amniga lid ku ah in gacan bir ah ku qabtaan.” Ayuu yiri Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
“Waxaa wax laga xishoodo ah in rag madax kasoo noqday dalkan hadana doonaya in markale noqdaan madax ay hub culus ku weeraraan Saldhig ciidan ayagoo leh dad ku xiran ayaan soo damiinan rabnay, dadka xiran ma dhashiike iyo BKM ayaa lagu soo damiinana waa ceeb waxaas, waxay aheyd iney la hadlaan Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo haday la hadlaan ugu keeni lahaa dadkaas meesha ay joogaan” ayuu yiri Wasiir Fartaag.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya in Muqdisho ay tahay meel amni ah, islamarkaana cid kasta oo dooneysa carqaladeynta amniga in dowladdu ku qabaneyso gacan bir ah.
“Kuwa Cali Dheere u yeerana ee afka argagixisada ku hadla waxaan leeyahay Muqdisho argagixiso waxba kama qaadi karto oo si awood ah ayaa looga saaray, taas ha ogaadaan” ayuu yiri Wasiir Fartaag.
Isagoo ka hadlaayay dhanka banaanbaxa Mucaaradka ku dhawaaqeen berito inuu dhacayo ayuu sheegay Wasiirka in sharciga dalku uu ogol yahay qabsoomida banaanbaxyo madani ah oo dadweynuhu ay cabashadooda kusoo gudbin karaan, hayeshe aan la aqbali karin banaanbaxyo lagu ilaalinayo hub, kaasoo wax yeeleynaya amniga, islamarkaana keeni kara isku dhacyo sababi kara dhibaatooyin kale.
Ugu dambeyntii hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka amniga gudaha ayaa ah mid sii xoojin kara xiisad siyaasadeed oo hor leh, maadaama mucaaradku ku dhawaaqeen qabashada banaanbaxaan, halka dowladda ay u muuqato inay ku adkaysaneyso in la joojiyo.