Madaxweynha Soomaaliya oo caddeeyay goobaha la dajindoono ciidamada Masar

4

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ciidamada Masar lagu dejin doono gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Mahadaay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale beeniyay warar horey warbaahinta loogu faafiyay oo sheegayay in ciidamada Masar loo diri doono gobolka Gedo, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada Masar ay badali doonaan booska ay banaaneyn doonaan ciidamada Burundi, kuwaas oo dhowaan ka baxaya Soomaaliya, kaddib markuu u dhamaado lix bilood oo lagu kordhiyay.

“Waa laga yaabaa in Masar iyo Ethiopia uu khilaafaad ka dhaxeeyo, laakiin Soomaaliya gudaheed ma ahan. Ciidamo Masar ah oo tagaya xuduuda Itoobiya si qalqal uga abuuran ma jiraan, sidoo kale Masar nama weydiisan inay tagaan xuduudka Itoobiya,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in hadafka Soomaaliya uusan ahayn in labada dal ay isku dhex dagaalamaan gudaha dalka. Wuxuu intaa ku daray in ciidamada Masar u yimaadeen Soomaaliya si ay uga qayb qaataan sugidda amniga.

“Soomaaliya ma ogolaan doonto in labo dal oo ku lug leh ‘Proxy War’ ay gudaha dalka ku dagaalamaan. Labada dalba xiriir aad u wanaagsan ayey nala leeyihiin, mana jirto sabab ay Soomaaliya ugu dhex dagaalamaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhawaan ayay ahayd markii safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu weerar afka ah ku qaaday ciidamada Masar, isagoo sheegay in Masar aysan lahayn taariikh nabad-sugineed, isla markaana imaanshahooda uusan wax faa’iido ah ku yeelan doonin xaaladda amni ee Soomaaliya.