Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu laba jeer helay fursad uu ku hoggaamiyo dalka balse uu Soomaaliya gadaal u celiyay, islamarkaana ku xadgudbay dastuurka iyo heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhisay nidaamka federaalka.
Wuxuu intaas ku daray in haddii xaaladdu sidan ku sii socoto, ay dhici karto in maamul kasta qaato aragti gooni isku tag ah, sida ay hore Somaliland ugu dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda 1991.
“Maanta dowladnimada Soomaaliya waxay u muuqataa mid u sii jiheysanaysa aragtida gooni-isu-taagga ee Somaliland ku dhawaaqday sannadkii 1991, halka Puntland ay weli ku taagan tahay difaaca nidaamka federaalka oo tacab badan kaga baxay,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Ugu dambayn, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku baaqay in la helo dowladnimo Soomaaliyeed oo la wada leeyahay, loo siman yahay kheyaadkeeda. Wuxuu sheegay Puntland inay diyaar u tahay inay kaalinteeda ciyaarto .